Dhageyso Maamulada Puntland Iyo Galmudug Oo Siyaabooyin Kala Duwan Uga Hadlay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Gaalkacyo

Sida wararku ay sheegayaan saqdii xalay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa weerar qorsheysan ku qaaday deegaan duleedka Bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.

Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Puntland C/naasir Bedel Khalaf ayaa sheegay in Ciidamada gaarka ah ee Puntland ay la dagaalameen gelinkii dambe ee xalay Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo sida uu sheegay qorsheenayey in ay weeraraan xarumo Ciidan oo ku yaala Gaalkacyo.

Waxa uu isuduwaha sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay howlgalkii xalay oo soo gaaray ilaa saake aroortii, isagoo dhanka kale cadeeyey in weerarka ay ku gubeen gaadiid dagaal kuwo kalena ay ku qabsadeen.

Dhanka kale war kasoo baxay Mas’uul ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa saldhiga la weeraray ku sheegay in goob ay ku sugnaayeen Ciidamada, waxa uu tilmaamay in warbixin qaldan la siiyey Ciidamada howlgalka fuliyey.

Dhageyso Codka Isuduwaha Wasaarada Warfaafinta Puntland.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE