Diyaaradaha Dowlada Mareekanka Oo Duqeyb Ku Dilay Saraakiil Ka Tirsan Maleeshiyada Shabaab

Warar laga helayo tuulo u dhaw xadka Kenya ee Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo ay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ka geysteen halkaasi ay ku dhinteen afar sarkaal oo ka tirsan kooxda Al Shabab.

Weerarka cirka ah ayey wararku tilmaamayaan in lagu dilay Bashiir Dheere oo sida la sheegay ahaan jiray taliye ku xigeenka maleeshiyaadka Al-Shabab ee gobolka Jubada Hoose iyo saddex sarkaal oo kale xilli ay ku sugnaayeen meel banaan ah oo ku talla deegaanka Kanjaroon.

War rasmi ah oo laga soo saaray xafiiska taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan sarkaal lagu dilay weerar isdifaacid ahaa oo dhinaca cirka ah, kadib marki ay kooxda Al Shabab weerar ku qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo lataliyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Mareykanka ee jooga Africa ayaa ku adkeystay in doorkooda Soomaaliya uu ku koobanyahay kaliya la talin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE