Wariye C/casiis Maxamed Xaaji Oo Maanta Lagu Aasay Qabuuraha Iskuul Baluuziyo Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Wariye ka tirsaan Idaacadda Shabelle oo lagu magacaabi jirey C/casiis Maxamed Xaaaji oo xalay kooxo hubeysan ay ku toogteen degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la aasay.

Aaska Marxuumka ayaa waxa kasoo qeyb galay Bahda warhaainta qeybaheeda kala duwan kuwaas oo sida wajiyadooda laga dheehan karay si aad ah uga xumaa geerida saaxiibkooda oo kooxo hubeyna ay nolosha seejiyeen.

Goobta lagu aasay Marxuumka oo aheyd Iskol Buliiziyo ee magaalada Muqdisho ayaa kasoo qeyb galayaasha waxay tacsi u direen Ehelka iyo asxaabta uu ka baxay iyagoo Alla uga baryey in uu janadii Fardowso ka waraabiyo.

Guud ahaan Ururada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa cambaareeyey dilka Wariye C/casiis Maxamed Xaaji oo in muda ah ku jirey ama ku xamaalanyey mihnada Saxaafadda.

1-8 2-5 3-6 4-9 8-2 9-1

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open