Xiisad Ka Dhalatay Nin Nabadoon Ahaa Oo La Dilay Ayaa Ka Taagan Degmada Caabduwaaq Ee Gobolka Galguduud

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay nin xlay lagu dilay lagu  dilay degmadaasi oo lagu magacaabo Nabadoon Dhiif Xasan Cadcadle ay maanta ka taagantahay xaafado ka mid ah degmada.

Nin hubeysan ayaa xalay sida la sheegay degmada ku dilay ninkale , waxaana la sheegaya in dilkaasi uu salka ku hayo aanooyin qabiil sida ay kusoo warmeen qaar ka mid ah dadka kunool Caabduwaaq.

Qaar ka mid ah waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa wada waan waan lagu doonaayo in xaalada lagu dajiyo , waxaana la sheegaya inta badan isku socodkii xaafadaha qaarkood uu hakad galay.

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa horay u sheegay in ay ka hortagayaan in  degmada Caabudwaaq ay ka dhacaan dilal ku salaysan  Aanooyin qabiil.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran