Alshabaab Oo Sheegtay Madaafiic Kusoo Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanay magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhowr Madfac lagu tuuray qeybo ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah Madaafiicda ayaa kusoo dhacday xaafada Buuloxuubey ee degmada Wadajir, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray inta la ogyahay ilaa laba ruux oo dad shacab ah.

Madaafiicda oo tira ahaan la qiyaasi karin ayaa meelo kala duwan laga soo sheegayaa in ay ku dhaceen, weli wax war kama soo bixin maamulka degmada Wadajir iyo kan Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Shabaab ayaa warbaahinta ku hadasha Afkooda ka sheegay in dhoowr Madfac oo ay tuureen kooxda Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Xalene ee ay degenyihiin Ciidamada Amisom iyo Hey’adaha Ajaanibta.

Sarkaalka ayaa intaas hadalkiisa kusii daray in madaafiicda qaarkooda ay ku dhaceen gudaha xarunta Xalane oo uu sheegay in ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open