Alshabaab Oo Soo Bandhigtay Askari Kenyaan Ah Oo Ay Ku Qabteen Dagaalkii Ceelcadde, Fariinna Soo Direy (Video)

Kooxda Al-shabaab ayaa soo Bandhigay  Askari Ka tirsan Ciidanka Kenya, Kaasi oo Nolosha ay ku qabteen,  Wuxuuna sheegay in magaciisa la yidhaahdo Loanard Maingi Kiiyo, oo  ciidanka Kenya uu kusoo biiray sanadku markuu ahaa 1997.

Askariga ayaa wuxuu sidoo kale sheegay inuu yahay  dhaqtar ka shaqeeye qeybta kal-kaaliye-nimada ee guutada 9aad ee dagan xerada Mooya, waxaana ahay mas’uulka heysta qeybta caafimaadka ee guutadan,  Wuxuuna yimid Somalia  1-dii bishi January ee sanadkii 2016-ka , waxaana loo qaaday magaalada Ceel-cade. iyadoona Ciidan ka tirsan Alshabaab ay soo weerareen 15-kii bishii January ee 2016-ka.

“Ka dib markii uu weerarka dhacayna, hubkeenii oo dhan wuxuu u gacan galay Al-Shabaab. in ka badan 100 ka mid ah askartii saaxiibadeyda ahayd waa la dilay, qaar kale oo aan aniga ku jirana nolosha ayaa lagu qabtay,  Fariinteyda ugu horeysa waxaan u dirayaa qoyskeyga iyo qaraabadeyda guud ahaan. Waxaan doonayaa in aan u sheego in aan jeclahay oo aan u duceeyo, iyagana aan ka rajeynayo in ay ii soo duceeyaan. Maxbuus ahaan rajada kaliya ee aan leeyahay waa iyaga.” Ayuu yiri.

“Waxaan ka codsanayaa in ay aadaan Odayaasha dhaqanka, Kaaba-qabiilada, gudiyada, xildhibaanada,Senatarada, iyo gudoomiyeyaasha gobolada oo ay ka dalbadaan in ay kala shaqeeyaan sii deynteyda iyo sidii aan xuriyadeyda ku heli lahaa. Xaqiiqdii waxaan ku jiraa xaalad xun oo rajo beel ah, waxaana doonayaa in aan dib ugu soo noqdo Kenya “ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Fariintiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE