Ciidamo Ka Wada Maamulka Degmada Qoryooley Oo Maanta Ku Dagaalamay Jidgooyo Lasoo Dhigay Qeybo Ka Mid Ah Degmada

Ciidamao ka wada tirsan Maamulka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa maanta isku rasaaseeyey qeybo ka mid ah degmada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada israsaaseyntooda ay timid ka dib markii ay ku murmeen jidgooyo cusub oo lasoo dhigay degmada gudaheeda taas oo ka baxsan kuwii horey loogu heshiiyey oo Ciidamada ay dhigteen.

Ciidamada jidgooyada cusub dhigtay ayaa qoonsaday sida loo maamulo lacagaha kasoo xarooda isbaarooyinka horey u yiilay, waxaana maanta ay dhigteen jidgooyo csub, waxaana halkaas ku weeraray Ciidamo kale oo diidan in jidgooyooyinka ay bataan.

Jidgooyada cusub ayaa waxa lasoo dhigay sida aan warka ku heleyno wadada kasoo gasha dhanka Xerooyinka koowaad iyo labaad oo ka timaada Galbeedka Dhegmada Qoryooley.

Inta la ogyahay hal askari ayaa ku dhintay israsaaseyn kooban oo dhexmartay labada Ciidan halka ay ku dhaawacmeen laba askari, goob jooge ayaa Markacadey.com u xaqiijiyey magaca askariga israsaaseynta ku dhintay kaas oo lagu magacaabi jirey Xasan Tuwaade.

Maamulka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelada hoose ayaan weli ka hadlin israsaaseynta dhexmartay Ciidamada ka wada tirsan Maamulka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open