Dhageyso Dowlada Fedaraalka Oo Ka Hadashay Xilliga Rasmiga Ah Ee Lasoo Gabagabeynayo Dhismaha Maamulka Hiiraan Iyo Shabeelada Dhexe

Xogayaha joogtada ee wasaarada Arimaha Gudaha ee dowlada Fedaraalka Yaxye Cali Ibraahim oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in heer gaba gaba ah uu marayo dhismaha Maamulka labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Waxa uu sheegay in howsha dhismaha Maamul loo wada dhan yahay ay mareyso meel wanaagsan, islamarkaana Ergooyinka ay ku mashquulsanyihiin howlihii loooga fadhiyey.

Dhanka kale Yaxye Cali ayaa 15ka bisha Ogtoobar ee soo aadan sheegay in uu jiri doonin shir dambe oo looga tashanaayo sida laga yeelayo Maamulka hasea ahaatee uu tashan doono maamulka hada dhismihiisa la wado.

Dowlada Fedaraalka ayaa iska indha tireysa cabashooyinka weli ay qabaan Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Xawaadle, waxaana laga yaabaa in Maamulkan uu dhismo iyadoo weli ay jiraan tabashiiyinka beelaha qaar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE