Dibadbax Uu Soo Abaabulay Maamulka C/kariin Xuseen Guuleed Oo Ka Socda Magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado oo xarun ku meel gaar u ah maamulka C/kariin Xuseen Guuleed ee Galmudug ayaa waxa ka bilowday dibadbax uu soo abaabulay maamulkaasi.

Sida ay kusoo waramayaan wariyeyaasha halkaasi ku sugan dibadbaxa ayaa waxa dhigaya dad shacab ah oo ka careysan duqeymihii ay iska kaashadeen Maamulka Puntland iyo Ciidamada Cirka ee Mareeknka kuwaas oo lagu beegsaday Maleeshiyaad Shabaab ah.

Madaxweynaha Galmudg ayaa hadal uu soo saaray ku sheegay in Maamulka dhigooda ah uusan raali aheyn sida uu hadalka u dhigay nabad ka dhalata Gobolka Mugud.

War saacadihii lasoo dhaafay ay baahisay wasaarada difaaca ee Mareekanka ayaa lagu sheegay in howlgalkii ka dhacay duleedka Gaalkacyo lagu beegsaday Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab, waxaana weerarka sida warbixinta lagu sheegay lagu dilay ilaa sagaal askari

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran