Kulan Looga Hadlayey Tacdiyada Shabaab Kula Kacaab Bulshada Oo Lagu Qabtay Magaalada Baydhabo (Sawiro)

Kulan looga hadlayey Tacadiyada Maleeshiyada Shabaab ay kula kacaan Bulshada Soomaaliyeed, gaar ah dadka kudhaqan K/galbeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Waxa kulnka soo qaban qaabiyey Wasaarada Warfaafinta iyo wacgelinka bulshada ee Maamulka Koonfur galbeed, waxaana lagu marti qaaday Mas’uuliyiin kala duwan sida Wasiiro, Xildhibaano ,Maamulka Gobolka Bay Iyo Kan Degmada Baydhabo Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Baydhabo.

Kasoo qeybgalayaasha kulanka ayaa diirada saaray dacadiyada ay ku kacaan Maleeshiyada Shabaab ee ay ku hayaan bulshada Koonfur galbeed, waxaana goobta laga xusay in horey u jireen qaraxyo, weeraro, dilal kala duwan iyo cabsi gelin Shacabka ay kala kulaan Shabaab.

Waxa sidoo kale la sheegay in loo baahanyahay ficillo iyo gaboodfallo cusub oo ay maleeshiyaad Maleeshiyada Shabaab oo ay suuragal tahay in ay ku dhibaateeyaan Shacab sida horey u dhacday, waxaana wax leyska weydiiyey sida looga hortagi karo.

14488861_1116178431802632_1115862474_o 14536539_1116178321802643_738037444_o 14536605_1116178261802649_1014954932_o

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran