Madaxweynhii Hore Soomaaliya Sheekh Shariif “Dacwada Badda Ee Markaan Soo Baxayey Bilaabatay Adibkaba Waad Qiyaasi Kartiin”

Madaxweynihii hore ee dowladii kumeel gaarka aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka qeyb qaadanyey narnaamij dood wadaag ah ayaa lgu weydiiyey su’aalooyin kala duwan oo qaarkood ay la xiriiraan arinta muranka dhalisay ee ku aadan dacwada Badda ee ka dhaxays dowladah Soomaaliya iyo Kenya.

Sheekh Shariif oo markii oo la weydiiyey su’aasha Muranka Badda ayaa si’aad ah u dhoola cadeeyey isago muujiyey inuu ogsoonaan in waxyaabaha la weydiin doono ay ka mid tahay ogaalkiisa heshiiska labada dowladood.

Waxa uu sheegay in ay jiraan barnaamijyo la siyaasadeeyey oo ay wadaan Madaxda xilka uu ka dhamaaday ee dowlada fedaraalka, isagoo su’aal ka keenay sababta dacwada Maxkamada kusoo beegtay xilligii isaga uu soo safraayey.

“Heshiiska la saxiixay weli ma aqriseen ma aragteen, ma waxa ku jirta bad la iibiyey, ma waxa ku jirta bad la bixiyey “kuma jirto waxoo dhan waala siyaasadeeyey”, Badaan oo hada markaan imaanayey soo baxeyso oo dadka loo abaabulayey maxay Badaan hada lee maa la qaatay,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

“Bada shekadeeda siyaasad waaye, raysalwasaarahaa idin jawaabay, wasiirkaa idin jawaabay anigana maba arkinba meel lagu saxiixay iyo warqad lagu saxiixay ma arkin hadii ay fiicantahay iyo haday xuntahay iyagaa iska leh”, ayuu hadlkiisa sii raaciyey Sheekh Shariif oo u muuqday mid iska fogaanaya arimaha eeda Badda.

Dowladaii kumeel gaarka aheyd ee madaxweynaha uu ka ahaa Shariif Sheekh ayaa lagu eedeeyaa in ay muran geliyeen Badda Soomaaliya, waxaana murankaas ka faa’ideystay sida warka loo dhigay dowlada Kenya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE