Marco Asensio & Marcus Rashford Oo Ka Mid Ah 40 Xiddig Oo U Sharaxan Abaalmarinta Wiilka Dahabiga Qaarada Yurub

Qaab ciyaareedkii Marco Asensio ee Espanyol ee xilli ciyaareedkii hore iyo sida wacan ee uu ugu bilowday xilli ciyaareedkan Real Madrid ayaa keentay in xiddiga reer Spain uu ka mid noqdo xiddigaha u sharaxan abaalmarinta Wiilka Dahabiga ee European Goldon Boy, iyadoo abaalmarintaan la gudoonsiiyo da’ yarka ugu fiican horyaalada Yurub.

Asensio ayaa ka mid ah 40 ciyaaryahan oo u sharaxan abaalmarinta oo ay abaabusho jariirada Talyaaniga ee Tuttosport, Asensio waxaa kula wehliya seddex ciyaaryahan kale oo La Liga ka ciyaarta Lucas Hernández (Atlético), Carlos Fernández (Sevilla) iyo Tonny Sanabria

Xiddigaha sharaxan waxaa ka mid ah Leroy Sane oo wacdarro u dhigay Schalke xilli ciyaareedkii hore isagoo haatan jooga Manchester City, Kingslay Coman iyo Mahmoud Dahoud oo u kala ciyaara Bayern Munich iyo Gladbach ayaa iyagana ka mid ah mushaharaxiinta.

marcusrashford-cropped_15pu8yoskgi5y1o7z1f5magqto

Horyaalka Premier League waxaa ka soo galay Alex Iwobi oo Arsenal u dheela, Marko Gurij oo haatan Liverpool jooga, da’ yarka Chelsea Loftus-Cheek, Iheanacho oo Manchester City u ciyaara iyo Dele Alli oo Tottenham u dheela. Halka Manchester United laga soo xushay Marcus Rashford.

Xiddigihii hore ugu guuleystay abaalmarintaan waxaa ka mid ah Leo Messi (2005), Sergio Agüero (2007), Isco (2012) iyo Paul Pogba (2013). Sannadkii hore waxaa ku guuleystay xiddiga Man United Anthony Martial.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE