Wararkii Ugu Dambeeyey Qarax Khasaare Dhaliyey Oo Ka Dhacay Degmada Kaaraan Ee Magaalada Muqdisho

Qarax khasaare dhaliyey ayaa goor waxa uu ka dhacay degmada Kaaraan ee Magaaladfa Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uuka dhacay Maqaayad ay wax ka cunaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo halkaasi ku leh bar Koontarool, waxaana lagu soo waramayaa xilliga qaraxa uu dhacayey in goobta ay ku sugnaayeen laba Haween oo maqaayada ka shaqeyn jirtay.

Inta la xaqiijiyey labada Haween ee ka shaqeyn jirtay maqaayada ayaa ku geeriyooday qaraxa oo u muuqday mid goobta lagu sii diyaariyey, Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan.

Alshabaab ayaa sheegatay qaraxa, Warbaahinta ku hadasha Afkooda yaa laga sii daayey in qaraxaasi ay ku dhinteen askar kor u dhaafeysa ilaa shan askari oo goobta ku sugnaa.

Maleeshiyada argagaxisada ee Shabaab ayaa marar badan beegsaday goobo kala duwan oo ay ku suganyihiin dad shacab, waxaana beegsigooda waxyeellada ugu badan ay kasoo gaartaa dad Shacab ah oo aan ku shaqa lahyen siyaasada ay la dagaashanyihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran