Dhageyso Ku Simaha Madaxweynaha K/galbeed Oo Soo Saaray Awaamiir La Xiriirta Amaanka Baydhab

Magalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Ayaa Waxaa Maalmahaani Ku Soo Qulqulaayey Musharaxiin Iskugu Jiraan Kuwa Doonayaa Xildhibaanada Cusub Ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya Iyo Musharxiin Utaagan Qabashada Xilka Madaxweynimo Ee Dowlada Somaliya Ayaa Waxaa Si Aad Ah Loo Adkeeyey Amaanka Magalada Baydhabo Iyo Degaanada Kale Ee Soo Dhow.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Waxaa Uu Lahadley Laamaha Amaanka Baydhabo Iyo Musharxiinta Imaanaya Iney Gacan Kageestaan Sugida Amaanka Waxaana Uu Sigaar Ah Ula Hadley Musharxiinta Iney Amaanka Magalada Aysan Qalqal Galinin.

Dhanka Kale Kusimaha Madaxweynaha Ahna Wasiirka Beeraha Iyo Waraabka Dowlad Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Waxaa Uu Baaq Ujeediyey Sarakiisha Kala Duwan Ee Ciidamada Booliska Gaarka Ah Iyo Ciidamada Nabad Sugida Koonfur Galbeed Iney Si Aad Ah Ay Usugaan Amaanka Goobaha Ay Kadhici Donaan Doorishooyinka Xildhibaanada Cusub Ee Matali Doona Dowlada Faderaalka Somaliya Ee Lafilaayo In Ladhiso Dabayaaqada Sanadkaan 2016.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran