Dhageyso R/wasaarihii Hore Ee Soomaaliya C/weli Sheekh Oo Sheegay In Ciidamada Amisom Ay Ku Filneyn Amaanka Dalka

Ra’iisoouwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr C/weli Sheekh Axmed Maxameed ayaa hadal uu u jeediyey taageerayaashiisa  ku sheegay in dalka Soomaaliya ay wax u qaban karaan kaliya dadkiisa.

Dr C/weli ayaa daaha ka rogey in Ciidamada Amisom ee jooga Soomaaliya ay danahooda u joogaan oo aanay wadin dadn Soomaaliya hase ahaatee la wada yahay iosku danno.

Waxa uu intaa raaciyey hadalkiisa in Soomaaliya looga baahanyahay in ay dhisato Ciidamo Soomaaliyeed oo ku filnaada Amaanka iyo soo celinta kala dambeynta dalka.

Ciidamada Midowga Afrika ee Amsim oo dalka ku sugan in ka badan 10 sanadood ayaa la aaminsanyahay in ay ku fashilmeen nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya iyo xaqiijinta amaanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open