Maxaabiista Soomaalida Ee Ku Xiran Xabsiyada Dalka Hindiya Oo Maanta Markale Maxkamad Lasoo Taagayo

Maxkamad ku taalla magaalada Mombay ee Cariga dalka Hindiya ayaa maanta lagu wadaa in lasoo taago dhalinyaro Soomnaaliyeed oo lagu soo eedeeyey inay ka tirsanaayeen kooxaha Burcadbadeeda.

Dhalinyaradan u xiran dowlada Hindiya ayaa tira ahaan gaaraya ilaa 118 dhalinyaro Soomaaliyeed kuwaas oo qaarkood laga qabtay biyaha badweynta iyo Biyaha ka baxsan Soomaaliya.

Dacwad oogayaal ku sugan Hindiya ayaa ku eedeeyey baxaabiista qaarkood in ay geysteen dambiyo waaweyn oo isgu jira dilal, afduub iyo xadgudub ay ku kala kaceen muwaadiniin kasoo jeeda wadamada reer Galbeedka.

Maxkamada ayaa maanta sida la aaminsanyahay go’aan ka gaari doonta inta badan Maxaabiista ku eedeysan falka burcadbadeednimo,.

Maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamaga ayaa hadal haayey in 50 ka mid ah Maxaabiista lagu xukumay dil toogasho halka 68 ka mid ah 118ka lagu xukumay xabsi daa’in.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open