QISO YAR OO CAJIIB AH “Muxuu Shaaha ula soo daahay” W/Q Macoow Ustaad

Nin Hindi ah ayaa wuxuu gaaray Halka laga raaco Tareenka, isagoo Sugaayay inuu yimaado Tareenkii uu Raaci lahaa, waxaana loo Sheegay in uu imanaayo 7:00 fiidnimo, taasoo uga dhigneyd inuu Hal saac Sugo. wuxuu isku dayay inuu eego waxa ka socda Goobta Tareenadu ka baxaan si uu Waqtiga isku Dhaafiyo, Rakaab aad u yar ayaan joogay goota.

Haddaba, wuxuu Arkay Koox wiilal ah oo meesha ku Ciyaarayay, Wiilashii waxay Xirnaayeen Dhar Dhamaad ama Duug ah, waxaana ka Muuqatay Diif iyo Darxumo, balse aad bey ugu Faraxsanaayeen Ciyaartooda.

Wuxuu u baahday inuu Shaah Cabo, maadaama uu Qabow yar jiray, Nasiib daro Maqaayada Shaah keliya ee Goobtu lahayd wey ka yara Fogeyd, isaguna kama Tegi karin Boorsooyinkiisa oo dhan, wuxuu u yeeray mid ka mid ah Wiilasha, wuxuu weydiiyay inuu Shaah u keeno, wuxuuna u Dhiibay Lacag 5 rupees oo ah Lacagta laga isticmaalo Dalka India,Wiilkii wuu baxay si uu Shaaha ugu keeno.

Waqtigi wuu is Guray, Nus saac ka dib ayaa Tareenkii yimid, waana inuu Deg-deg u raaco, wuxuu is tusay in Wiilkii Lacagta la Cararay, wuxuuna isku Canaantay inuu Ciyaal suuq ah uu Aaminay, Wuu istaagay si uu Boorsooyinkiisa u qaato kolkuu u Dhaqaaqay dhinaca Tareenka ayuu maqlay Cod u Qeylinaaya oo leh (Mudane, Shaahaagi), Dib ayuu u jaleecay, wuxuu weydiiyay, Maxaad Shaaha ula soo Daahday?.

Jawaabti Wiilkii siiyay ayaa Qalbigiisa Taabatay, Indhihiisana ilmo ay ku soo Istaageen, Jawaabtaasoo aheyd:- “Waxaa iga Lumay Lacagti, ka dibna waxaan Maqaayadii Shaaha aan kaaga soo iibinayey ayaan ka Codsaday inaan Alaabta u Dhaqo si aan Shaahaagi kuugu keeno”.

Wabillaahi Towfiiq.

W.Q:- Macoow Ustaad

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE