Waa Maxay Caqabadaha Hortaagan Halganka Jabhadda ONLF…..?

Marka hore waxaa aan halkan mahad baladhan uga dirayaa Rabigeena csw Cırka taagay tıır la,aan dhulkana goglay,aadmıgana ka dhigay noole idilkıı kan ugu sharafta badan,una soo diray Nabi Muxamed (N.N.K) ahaana kii lagu khatımey Nabiyada.
Aduunyada aynu ku nool nahay maha mid ay ka dhamaato dhibta iyo dagaaladu,waana shay dabiici iyo sunne u ah ,sida Ilahay Quraankiisa ku sheegay iyo Axadiista Nabiga scw oo markasta inoo cadaynaysa in uu Aduunku yahay daarti dhibatada.

Hadaba dhibatooyinkaasi iyo dagaladaasi ayaa inta badan waxa ay ka yimadan amma ay ka asaasmaan, iska hor-imaatin iyo is-faham-waa ka dhex dhasha ,dawlado,gobollo iyo qabaa’il meel wada dagan,kuwaasi oo isku si u wada arki waaya,hab u wada noolaanshaha maamul ama dawladeed.

Taasi ayaa waxa ay mararka qaar keentaa , in la waayo hab iyo hanaan kale oo lagu xaliyo in la dagaalamo ; mase fududa in dagaalkaasi sida ugu dhakhsaha badan in guulo loogu gaadho, mararka qaarna ,iyada oo sanado fara badan la dagalamaayay,naf iyo maalba lagu baa-bii’yay ,ayaa hadana aadyar oo dhalatay la heeshiiyo.

Iyada oo aduunka oo dhami la odhan karo waxa uu soo maray dagaladasi ,aadka u kala wada gadisan ,hadana wakhtigan xaadirka ah waxa aad mooda in wali baaqi ku yihiin qaarada Afrika,oo ah mid aan ka korin kana ilbixin.

Wadanka Ethopiya waa dal aad u balaadhan ,inta badan waxa laga yaaa in aan laga warhayn,in ay gudahiisa dagaalo amma qul-qulatooyin ay ka socdaan,taasina waxa keena ,iyada oo Ethopiya ay adag tahay ,sida warar arimaheeda khuseeya, oo aanay ka raali ahayn loo helaa.

Gobolka loogu magac daray ,ismaamulka Somalida Ethopiya ,ama dawlad-deegaanka Somalida ,waxa uu ka mid yahay, goobaha aay mararka qaar ka dhacaan ,waxooga dagaalo ah oo aan sidaasi u waynayn,kuwaasi oo inta badan u dhaxeeya Ethopiya iyo jabhada ONLF.

Inkastoo aanay warbaahinta ku badnayn ,goobahaasi waxyabaha ka dhacaa ,hadana waxaa jira dagaalo aan sidaasi loo maqal oo had iyo jeer ka dhexeeya dawlada Ethopiya iyo Jabhada lagu magacaabo “Ogaden National Liberation Front” (ONLF) amma sida ay dadka qaar u yaqanaan “Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadeniya” (JWXO)

Maxay ayay tahay jabhada ONLF.

Jabhada ONLF ,waxaa la asaasay ,tariikhdu markii ay ahayd 15/8/1984- taasi oo ay asaaseen xubno deegaan ahaan kasoo jeeda dhulkaasi Somalidu ay degto ,waxana loo asaasay in ay xorayso dhulkaasi ay Somalidu deegaanka ku tahay ee Ethopiya ay maamusho.

Tariikhdu markii ay ahayd , September 1998-kii waxaa hoggaankii iyo maamulkii jabhadda ONLF oo uu gudoomiye ka ahaa N/Hure Sh.Ibraahim Cabdalla Muxamed oo halganka jabhadda xilligii ugu adkaa soo maray ,waxa uu gudoomiyahii jabhada ku wareejiyay Adhmaral-Maxamed Cumar Cismaan ,oo ka mid ahaa sarakishii cidamadii badda ee Somaliya ,kaasi oo ah ninka ilaa hada ku fadhiya gursiga gudoomiya nimada Jabhada.

Hadaba anigu kama waramaayo Jabhadani ma xaq ayay ku dagalamaysaa mise xaq-daro ,balse waxa aan doonayaa in rayigayga aan usoo gudbiyo dad waynaha Somaliyeed ,wax yabaha aan isleeyahay sabab ayay u noqon karaan in Jabhada ONLF muddo dhan 32 sano ay midho ka keeni waydo ,halganka hubaysan ee ay kula jirtay dawlada Ethopiya iyo khaladaadka aadka u faraha badan ee ay gashay ilaa hadana ay ku jirto.

Waxyabahii ugu wawaynaa ,ee Jabhadan ku kalifay ,in ay bilawdo halganka hubaysan ,ayaa waxa ka mid ahaa sida aynu horay usoo xusnay,xoraynta dhulka Somalida,waxaana wakhtigaasi halgankan si aan gabasho lahayn ugu taagerayay, dawladii Kacaanta ee burburtay.

Jabhadii ONLF waxa soo food-saaray culays dhan walba ah ,kadib markii ay heshiis lama filaana ay wada galeen ,dawladii Soamliya ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre iyo xukumadii Ethopiya ee Mingistu Xayla Maryam hogaaminayay ; heshiiskaasi oo dhacay Jabuti tariilkhdu markii ay ahayd 1986 .

Hadaba tan iyo wakhtigaasi waxa ay jabhadu la kulan-tay ,turur-turooyin aad u farabadan Waxaa soo food saaray culaysyo aad u adag,oo aanay iska caabiyo karaynin,waxa ay wayday dhaqalihii iyo kabistii dhinaca milatariga ee uga imanayay dhinaca Somaliya ,waxaa ka joogsaday hawl-galadii milatari ee sida qarsoodiga looga soo abaabuli jiray dhinaca Soamliya.

Markii arimaha Jabhadu ,xaaladaahasi soo wajaheen ,waxa ay qabsatay shirwayne ay u dhan yihiin dhamaan dadkii iyo madaxdii tabacsanaa fikirka ONLF , shirkaas waxaa lagu qabtay magaalada Garbo;waxaanu ahaa shirkii ugu horeeyay ee lagu daahfuray ,siyasada cusub ee ONLF .

Dad badan oo u dhuun-daloola siyasada jabhada ONLF ,waxa ay ku sheegaan shirkaasi, in uu ahaa ,shirkii ay kasoo baxeen ,waxyabaha dhabar jabka wayn ku ah ilaa hada jabhada ONLF,kaasi oo ay ka midyihiin ,magaca jabhada loogu magac daray ,oo ah mid ay si gaar ah isaga leeyhiin dadka amma qabiilka Ogadeen.

Magaca Ogadeeniya

Tariikhda waa markii iigu horaysay ee aan maqlo,qabiil halgan umadeed oo la wada leeyahay ,ula baxa magaca qabiilkiisa ,marka Ilahay xaqa ku dhaafinaayo ayaa tan uu kale la arkaa amma ay soo baxdaa.

Dhulkaasi ismaamulka Somalida,waxaa wada dage umadda Somaliyeed oo dhan,waxa la odhan karaa ku dhawaad waxa degen qabaa’il lagu qiyaasi karo boqolaal ,balse waxa ay noqotay cajab iyo layaab magaca dhulka Ogadeeniya.

Dad badan oo kamida dadka Soamlida ah ee dhulkaasi kasoo jeeda, waxa ay arintan oo kale ay ku macneeyaan,in ay tahay halgan lala anbaday, isla markana lagala leexday marinkii uu lahaa,waana ta keentay in muddo dhan 32 sano xabad ridaan ,aanay tuula yarna ku qabsan.

Waxyabaha iyaguna ,aadka u layaabka badan waxaa ka mida,in madaxda Jabhadu aanay markaliya ka gaarabin,arintan iyada ah,unaba haystaan in dalkan ay iska leeyhiin qabiilka Ogadeen,dadka ladaganina ay yihiin kuwo fara kutirisa.

Hadaba jabhadii ONLF ,magacii ay cashaqeen , ee wakhtiga aadka u badan dibad iyo gudaba ay ku dhaanteenyeen ,ma noqday mid gaadhsiiyay kalintii halgan ee looga baahna,mise waxa uu noqday mid caqabad aad u culus ku noqday halgankii iyo dagaalkii ay ku jireen?

Inkastoo iyagu marka la waydiiyo ay isdidsiyaan ,hadana maanta ,waxa uu magacaasi ku noqday, mid ay cidli ula baxdi dawlada Ethopiya,kuna baabiisay dhamaan dadkii ku abtirsanayay magacaasi amma jabhadaasi taageeray.

Magacan Ogadeeniya asalkiisu waa uun magaca qabiilka Ogadeen,ma jiro wax farqi ah oo u dhaxeeyaa Ogaadeeniya iyo Ogadeen ,waa wax lala yaabo iyaga oo aan dhulba aan haysan amma aan taako ka mida qabsan ayaa hadana waxa uu damiirku siiyay in ay dhulkii Somalida kale ka sheegtaan.

Anigu kama hadlaayo qabiilka Ogadeen,mana aha in la ii fahmo in aan Odadeen ahay nin aan jeclayn , balse waxa aan ka hadlayaa waa Jabhada la marin habaydaw,magacii dhulkaasi uu asal ahaan lahaa oo ah ,dhulka Somali galbeed.

Hadiiba halgankani ka dhab yahay jabhada ,waxa ay ahayd,in ay magac Somali oo dhan ka dhaxeeya in ay u bixiyaan jabhada ,hadii ay doonan hadhaw si kale ,hawgu ololeeyaan ama dhulka hasheegtaane.

Caqabadaha kale ee dhinaca qabiilka ah ee ONLF ay la dhaqaqi wayday waxaa kaloo ka mid ah ,iyada oo reerka uu kasoo jeedo gudoomiyaha jabhadu, Adhmaral-Maxamed Cumar Cusmaan ,loo tiriyo in uu si gaar ah ula weecday dhaqdhaqaaqii iyo hirgalintii magaca jabhada.

Waxaa kaloo ka kamida dhibaatooyinka ugu waawayn ee ONLF haysata ,iyaga oo aan saxiib ku lahayn dawladaha la jaarka ah Ethopiya ,sababta oo ah dawladahaasi waxa ay rumaysan yihiin in markasta laga hortago ,waxkasta oo la isleeyahay waxa ay carqalad ku noqon karaan xasiloonida geeska Afrika ,taasi oo markii danbana keentay in sida dahabka loo ugaadhsado shakhsiyaadka lagu tuhmo in ay ka tirsan yihiin ururka ONLF,mararka qaarna laguba qaldamo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Culays yadii waawaynaa ee ONLF kusoo biiray 2010 waxa kaloo mid ahaa, kadib markii ay garab kooda ka baxeen jabhadii la magac baxday (UWSLF) (United Western Somali Liberation Front) ee uu gudoomiyaha ka ahaa Sheekh Ibrahim Maxamed Xuseen (Ibrahim Dheere) kaasi oo markii ay tariikhdu ahayd 29/6/2010 heshees midha dhalay la galay dawlada Ethopiya ,kasoo 1992-2010 dagaal hubaysan kula jiray dalka Ethopiya aakhirkiina loo aqoonsaday ururkii Islamiga aha ee Al-itixaad .

Waxaa kaloo jiray caqabado aad u waawayn oo ONLF dhexdeeda ka dhex abuurmay, sida murankii dilkii Dr Maxamed Siraad Dolaal oo 17/1/2009 lagu dilay meel u dhaxaysa Qabri-tahare iyo Dhanan ,Dr-Dolaal oo sida la sheego ahaa maskaxdii iyo hal-abuurkii ka danbeeyay jabhada ONLF ,ayaa hadana waxaa dilkiisa loo nisbeeyay ,Gudoomye Maxamed Cumar Cusmaan ,sida ay warbahanta xiligaasi ay u cadaysay Xaaskii uu ka dhintay Marxuumku , inkastoo ay markii danbe Ethopiya cadaysay in ay iyadu dilkaasi ka danbaysay.

Waxyabaha kale ee Jabhada u diiday in ay halgankeeda hore ugu socoto aya waxaa ka mid ah ,dawladaha Aduunka oo dhan oo kasoo horjeestay in ay u aqoonsadaan Xornimo doon,sababta oo ah waxa ay saxiib dhaw iyo mid dheerba ay la yihiin dalka Ethopiya ,sidaas awadeed ma jecla in ay dhagaystaan cidkasta oo Ethopiya wax ka sheeganaysa ,marka laga yimaado ururo kooban oo u dooda xuquuqda Adanaha oo mararka qaar Ethopiya ku eedeya in ay xad-gudubyo ka gaysato dhulkaasi Somalidu ay degto.

Jabhada onlf ma haysato dhul ku haboon oo ay kasoo dagaalami karto.,marka laga reebo in ay ku dhex dhuumaalaysato dhulka cidlada iyo kaymaha u badan ee ku yaala gobolka ay ka dagalamayso ee Somali, kaas oo ay marba ku fuliso weeraro “ku dhufoo ka dhaqaaq ah”.

Jabhada ONLF uma suura gasho in markasta hesho hub iyo aalad tayo leh oo ay iskaga caabido ciidanka xooga waynleh ee Ethopiya ,waxa kaliya oo mararka qaar ay hubka ka heshaa ,waxa uu yahay dhul yawga aan xasiloonayn ee ka mid ah Somaliya ,taasi oo ay dhici karto in ay mararka qaar kasoo iibsadaan hub tuugo ah.

Inkastoo wakhtiyada qaar ay Jabhada dagaalo hubaysan ay iskaga hor-iman jireen cidamada dawlada dhexe ee Ethopiya ,balse hada arintu waa ay ka duwan tahay sidaasi,ciidamada ONLF waxa ay maalin iyo habeen is-weetaynayaan cidan loo tababaray dawlad deegaanka Somalida oo la magac baxay Liyuu Boolis,kuwaasi oo jif iyo joogba u diiday jabhadii ONLF.

Waxaa kaloo farta lagu fiiqi kara in uu jiro waxoogaa horu-mar ah oo laga sameeyay ismamulka Somalida ee Ethopiya,arinkasi laftiisu waxa uu shiikhin karaa halgankii ay ku jireen jabhada ONLF ,isaga oo dabool ku noqon kara waxyabo badan oo ay gobolka ka horu-markiisa ka sheegi jireen.

Jabhada ONLF wixii ka horeeyay 2005 waa ay ku adkayd in ay helaan wax dhaqala ah oo kasoo gala dadka iyagu ku qanacsan fikirkooda ee qurbaha ku nool ,balse waxa aad mooda tariikhdaa laga soo bilaabo ilaa hada in ay heleen waxooga dhaqala ah oo aan baydnayn oo ay ka ururiyaan jaalinyaad fara-badan oo dibadaha usoo qaxay ,kuwaasi oo iyaga laftoodu ay qayb ka ahayeen in ay dibadaha usoo baxaan amma soo Tahriibaan.

Gudoomiyaha Jabhada ONLF Maxamed Cumar Cusmaan, waxa uu iminka talada Jabhada hayaa ku dhawaad dhawr iyo toban sano, taas lafteeda wax ay u arkaan dad badan oo ka mid ah tageerasha Jabhadu in Gudoomiyahu uu yahay nin aan jeclayn in uu xilka baneeyo si loo helo cedle oo arintan uga far-dhuudhuuban.Waana ta keentay in gudoomiyaha qabiilkiisa lagu shaanbadeeyo in ay jabhada foodsaaro u yihiin.

Jabhada onlf iyo madaxdeeduba waxa ay ku liitaan aad moodana in anay aqoon u lahayn waxa layidhaado warfaafinta amma saxafada ,taaso ah mida kaliya ee maanta aduunka meelkasta oo wax ka dhacaanba lagu ogaado.

Been sheegi maaye waxa aan in badan waraystay dad yaw kala gadisan ,dadkaasi marka aan sadax meelood u qaybiyo ,midkasta waxa aan waydiinayay ,war ma ka haysaa halganka ka socda ,ee ay waddo jabhada ONLF gudaha Ethopiya.

Dadka dhalinyarada ah ee da’doodu u dhaxayso 18-30 jirku waxabay ku sheegayaan in aanay marnaba maqal, jabhadaasi iyo halganka ay waddo.

Dadka da’doodu u dhaxayso 30-40-ka kuna waxa ay ku odhanayaan ,marmar ayaanu ka maqalna dawlad deeganka Somalida oo hadal haysa .

Dadka da’doodu u dhaxayso 40-70 kuna waxa ay hadalka kuugu-soo gunaa’nadayaan ,miyanay jabhadaasi wakhti hore Ethopiya la heshiin.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa in halgankani cidlo ku dhamaday , iyada oo Aduunku maanta uu ku jiro xiliyadi ay saxafadu ugu afka dheerayd.

Hadaba anigu waxa aan is idhaahda mararka qaar,waar malaha aduunba moodaaya in meesha halgan kama ,ilayn haduu halgan jira yahay,intan waa uu ka cuslaan lahaa.

Mida kale waxaa iyaduna layaable in madaxda iyo maamulka jabhaduna ay ku farax sanyihiin,habacsanaanta ka jirta dhaqdhaqaaqa halgankan.

Guntii iyo gaba-gabadii ,ma laga yaaba in jabhada ONLF iyada oo wakhti badani ka lumay,iyada oo dhimasho iyo dhawac badan yeelatay ,in ay heshiis nabadeed la qaadato dawlada Ethopiya,sida hadaba aad marar badan ku maqlayso warbahinta oo ka waramaysa ,in wada hadal uu u socdo Ethopiya iyo onlf,taaso waliba madaxda ONLF ay cadaynayaan in heshiisku uu ka socon la yahay Ethopiya.

Wa bilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open