Deg Deg Qarax Xoogan Oo Lagu Weeraray Maqaayad Ku Taala Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa kusoo waramaya in goor dhow weerar qarax ah lagu weeraray maqaayad ku taalla agagaarka taalada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Gaariga waxyaabaha qarxay laga soo buuxiyey ayaa dad goob joog ah waxa ay sheegeen in lasoo dhigay afaafka hore ee maqaayada Sky Blue, oo xilligaasi ahayed goob aad u mashquul badan.

Weerarka qaraxa ayaa waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii goobta ka agdhawaana, waxaana sidoo kale burburay gaadiid goobta yiilay iyo qeybaha hore ee maqaayada.

Halka weerarka lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ku badnyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo saraakiil Ciidan, waxaana weli aan la ogeyn halka uu gaarsiisanyahay khasaaraha ka dhashay.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE