Dhageyso Ergada Shirka Maamul U Sameynta Hiiraan Iyo Shabeelada Dhexe Oo Maanta Isaga Baxay Shirka Jowhar

Ergada ka qeyb galaysa Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa maanta isaga baxay shirka ka socda magaalada Jowhar.

Qaar ka mid ah Ergada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Mas’uuliyiinta dowlada ee maamuleysa Shirka ay ku wargeliyeen in aanu jirin wax tasiilaad ah ama xaquuq oo la siinayo, waxaana talaabadaas ka carooday Ergada.

Qaarkood ayaa sheegay in ay dib ugu laabanayaan deeganadii markii hore ya kasoo kicitimeen, waxaana ay eedeymo culus usoo jeediyeen Wasaarada arimaha gudaha ee maamuleysa Shirka maamu u sameynta labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Maanta ayaa lagu balansanaa in laga gudbo dooda Dastuurka uu yeelanayo Maamulka labada Gobola, waxaana fadhiga shirka diiday Egeyda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open