Mid Ka Mid Ah Wasiirada Maamulka Puntland Oo Xilkii Uu Haayey Iska Casilay

Wasiiru dowlada Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee  Maamulka Puntland Maxamed Cabaas Macalin ayaa iska casilay xilkii uu ka haayey Maamul Goboleedka Puntland.

Mas’uulkan ayaa sheegay in warqadda iscasilaadda uu u gudbiyey Madaxweynaha Mamaulkaas C/weli Maxamed Cali Gaas, islamarkaana uu ka ogolaaday.

Lama shgeegin sababta ka dambeysa in uu iscasilo Wasiiru dowlihii Madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah ee Maamul Goboleedka Puntlan, hase ahaatee arintan ayaa kusoo aadeysa iyadoo dhawaan wasiirkii Warfaafinta Soocade uu iska casilay xilkaasi.

Waxa la saadaalinayaa in ay jiri doonaan wasiiru kale oo ka tirsan Maamulka C/weli Gaas oo dhawaan shaacin doona in ay ka tageen xilalkii ay hayeen, iaydoo tani loo sababeenayo wasiirada iska casilaaya xilka oo ka mid noqon doona Baarlamaanka fedaraalka ee dhawana la dooran doono.

 

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE