Qaraamada Midoobe Oo Wakiil Gaar Ah U Magacaawday Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Dhadhaab

Qaramada Midoobe ayaa Ergay gaar ah u magacaawday arimaha la socodka qaxootiga ee ku jira xeryaha ku yaalla dalka Kenya.

Ergeyga gaar ah ee Xeryaha ayaa waxa  loo magacaabay Danjire Maxamed Cabdi Afey oo ku magacaaban danjiraha urur Goboleedka Igad ee Soomaaliya.

Madaxa Qaxootiga Aduunka ayaa sheegay in Ergayga shaqadiisa ay noqon doondo sidii uu ula socon lahaa qaxootiga dib ugu laabanaya dalkooda, maadaama dowlada Kenya ay cadaadis ku saareyso beesha caalamka in albaabada loo laabo Xeryaha Dhadhaab.

Hey’ada UNHCR ayaa dowlada Kenya ku eedeysay in qaxooti Soomaaliyeed si qasab ah dib loogu celiyey dalkooda hooyo oo aan lagu kalsooneyn amaankiisa, waxaana sanadii 2014-kii ilaa hadda Soomaaliya dib ugu laabtay qoysas lagu qiyaasay in ka badan 31 qoys.

Dib u celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira Dhadhaab oo ahayd inaysan noqon mid si khasab ah ku timaada, ayaa haddana waxa soo baxaya ficillo ay dowlada Kenya kula dhaqmeyso qaxootiga taas oo cambeyn xoog leh loogu jeediyey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open