Dhageyso Aqoonyahaan Sugelle “Dowlada Waxay Buunbuunisay Duqeybta Mudug, Intay Ku Ilowday Dhibaatada Ka Jirta Shabeelada Hoose iyo Jubbooyinka”

Aqoonyahaan Cabdi Aadan Sugelle oo ka mid ah aqoonyahaanada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay buunbuuninta duuqeymihii ka dhacay Gobolka Mudug.

Waxa uu ka hadlay sida dowlada Soomaaliya ay u buunbuunisay duqeymihii ka dhacay deegaanka Jeexdin iyo sida indhaha looga qabsaday duqeymaha iyo gaboodfallada lagula kaco Shacabka ku dhaqan Gobolada Shabeelada hoose iyo Jubbooyinka.

Aqoonyahaanka ayaa daboolka ka qaaday inay ka degi la’dahay dhibtooyin dhowr ah oo ka dhacay degmooyinka Kuntuwarey, Marka iyo deegaano ka tirsan Jubbooyibka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE