Dhageyso Faafaahinno Kala Duwan Oo Laga Helayo Qarax Maanta Ka Dhacay Magaalada Garbahaarey

Wararka ka imaanay magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa kusoo waramaya in maanta la qarxiyey goob Meherad oo ay ka adeegtaan dad Reer Miyi ah.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa mid lagu qariyey bac ayaa la hoos geliyey Miis yar oo yiilay goobta Meherada ah ee laga ganacsado, waxaana la sheegaya in qaraxaas ay ku dhaawacmeen dad shacab ah oo u badnaa reer Miyi kuwaas oo ka adeegnayey Meharada.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Garbahaarey ayaa kooxda dhagar qabayaasha ee Shabaab ku eedeeyey qarax waxyeeleeyey dadka shacabka ah, waxaana uu ka warbixiyey xaalada dadka dhaawacmay iyo sida ay xaalada imidka tahay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE