Dhageyso Wasiir Odawaa “Dad Danahooda Gaarka Ah Ka Waayey Shirka Jowhar Ayaa Mucaaradaya Shaqada Socota”

Wasiirka arimaha Gudaha ee xukuumada Fedaraalka C/raxmaan Xuseen Odaawaa ayaa mar kale waxa uu ka hadlay caqabadaha hor yaala shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Odawaa ayaa sheegay in arimaha Shirka ay yihiin kuwo xasaasi ah oo maraya meelo gabagaba ah, dhawaanna uu shaaciyey in lasoo dhameystiri doono dhismaha Maamulka.

Mar uu ka hadlayey kooxaha mucaaradada ku ah Shirka Jowhar ka socda ayuu ku sheegay in ay yihiin dad dano gaar ah ka leh shirka ismarkaana waayey danahoodii iyaga quseeyey taasna ay keentay in la dhaliilo qaabka ay wax u socdaan..

Ka sokow hadalka wasiirka arimaha gudaha, maalintii shalay waxa jirey Ergo ka baxday shirka oo dhaliilay xaquuq iyo tixgelin la’aan ay ka waayen mas’uuliyiinta xukuumada fedaraalka ay u xil saartay sii wadadidda shirka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open