Faafaahinno Gaari Uu Lahaa Sarkaal Ka Tirsan Milateriga Oo Lagu Qarxiyey Degmada Wadajir Ee Gobolka Banaadir

Faafaahinno kla duwan ayaa kasoo baxaya qarax baabuur oo goor dhow ka dhacay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo la sheegay in lagu soo xirey baabuur uu lahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada dowlada Fedaraalka ayaa  ku qarxay markii uu maraayey meel ku dhow Xerada Badbaado degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Baabuurka ayaa la sheegay in waday darawlkii gaariga islamarkaana kaligii uu ku qarxay, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegeen gaariga oo socda ayaa waxa mar kaliya laga war helay in qaraxa.

Ma jiro khasaare kale oo ka dhashay qarax marka laga reebo darawalka oo dhaawac halis ah soo gaaray, kaas oo hada la gaarsiiyey goobaha Caafimaadka, sida dad arkay dhaawaca darawalka ay sheegen qeybaha hoose ayuu ka haleelay qaraxa.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran