Liverpool v Man United, Barcelona v Man City – 10ka Kulan Ee Ugu Adag Ee La Ciyaari Doono Bishaan Oktoobar Dunida Kubada Cagta & Taariikhda La Ciyaarayo

Bishii September waxa ay aheyd bil mashquul ah iyadoo kulamo waa weyn la ciyaaray horyaalada ugu waa weyn ee qaaraada Yurub, bishaan October iyadana kama duwana.

Hadaba waxaan idiin soo xulnay 10ka kulan ee ugu waa weyn dunida kubada cagta ee la cciyaarayo bishaan October:

Italy-Spain (Khamiis, 6da October)

Xulka Spain ayaa u safraya Turin si ay u wajahaan Azzurri islamarkaana uga aargutaan guuldaradii Euro 2016, iyadoo miiska ay saaran tahay u tartanka kaalinta koowaad ee Group-ka isreebreebka Koobka Adduun.

Netherlands-France (Isniin, 10ka October)

Xulka Netherlands iyo France ayaa isku dayaya inay iska gadaal mariyaan Euro 2016, Holland iyada uma aysan soo bixinba koobkaas, halka France laga qaaday koobka. Labada kooxood waxa ay ku kulmayaan Amsterdam Arena iyadoo Benzema uu weli ka maqan yahay Le Bleus.

Colombia-Uruguay (Talaado, 11ka October)

14751640532560

Uruguay ayaa haatan hogaamineysa isreebreebka Koobka Adduunka Latin America, laakiin James Rodriguez ayaa doonaya inuu wax ka yiraahdo arinkaas marka ay iska horyimaadaan Luis Suarez.

Liverpool-Manchester United (Isniin, 17ka October)

Ciyaarta ugu weyn kubada cagta Ingariiska ayaa waxa ay iska hor keeni doontaa tababaraha muranka ugu badan dhaliya Mourinho iyo tababaraha ugu xamaasada badan Jurgen Klopp.

Barcelona-Manchester City (Arbaco, 19ka October)

Pep Guardiola ayaa ku soo laabanaya gurigiisa iyadoo Lioenl Messi uu tartan ugu jiro inuu soo laabto kulankaas Champions League ee sida weyn loo sugay.

(Sabti, 22ka October) Valencia-Barcelona

Kooxda Catalans ayaa awoodi weysay inay ka badiso Valencia xilli ciyaareedkii hore, sidaasi darteed tijaabo kale oo adag ayay u noqon doontaa Blaugrana.

Chelsea-Manchester United (Axad. 23ka October)

Mourinho ayaa ku laaban doona Stamford Bridge kulan kale oo ah mid aan la seegi kari. Juan Mata ayaa isna wajihi doona kooxdiisa hore.

Liverpool-Tottenham (Talaado, 25ka October)

Waa mid ka mid ah kulamada ugu fiican wareega 8da ee League Cup, kooxaha Klopp waxa ay mar walba ku fiican yihiin tartamada la isreebo..

Manchester United-Manchester City (Arbaco, 26ka October)

pe-and-mur

Waxa ay noqon doontaa cutubka labaad ee Manchester derby ee Pep Guardiola iyo Jose Mourinho iyadoo tababaraha Catalan uu wareegii hore badiyay, waana kulanka ugu adag League Cup.

Juventus-Napoli (Sabti, 29ka October)

Labada kooxood ee ku tartamaya Scudetto. Paulo Dybala iyo geesiga cadowga isku bedelay Gonzalo Higuain ayaa la dagaalami doona xiddigaha qaab ciyaareedka fiican ku jira Jose Callejon iyo Arkaduiuz Milik.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran