Madaxweynaha Puntland Oo Magaalada Garowe Ku Qaabilay Wakiilka Midowga Yurub U Qaabilay Soomaaliya (Sawiro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Maamulka Puntland ee Garoowe ku qaabilay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Michel Carvone.

Kulanka ayaa waxa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Shire Xaaji Faarax iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf waxaana looga hadlay sidii loo sii dar-dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee uu midowga Yurub ka fuliyo Puntland oo ay ka mid tahay barnaamijyada caafimaadka, dhismaha iyo dib u dayactirka waddada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo iyo mashaariico kale oo tiro badan oo midowga Yurub uu ka fuliyo Puntland.

img_8450img_8429 img_8456 img_8459

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran