Warbxin Dowlada Shiinaha Oo Bilowday In Wadamada Afrika Ay Ka Iibiso Dameeraha, Hadaba Maxay Tahay Sababta…?

Shiineeska ayaa dadaal ugu jiro siday u wada gadan lahaayeen dameerrada ku nool dunida khaasatan dalalka Afrika markii ay maqaarka dameerrada ka heleen daawo wadankooda aad looga isticmaalo, daawadaas oo lagu joojiyo dhiigbaxa, laguna daaweeyo dhiigyarida iyo sare u qaadista difaaca jirka khaasatan uguyada ka hortaga cudurrada fayraska uu keeno sida AIDS-ka.

Dhowr wadan oo Afrikaan ah ayaa ku baraarugay arintaan oo isla markiiba joojiyay inay shiineeska ka iibiyeen dameerradooda markii ay arkeen in ay dabar go’ ku sii socdaan.

Wadamada joojiyay iibinta dameerradooda waxaa ka mid ah dalka Niger iyo Burkina Faso oo lagu qiyaasayo tirakoobka dameerradooda inay dhowr malyan ay kor u dhaafayaan, waxaa intaa sii dheer in shiineeska ay dalka Kenya ka furteen laba warshad qalliin oo aad u waawayn oo loogu tala qalay qalliinka iyo maqaar siibista dameerrada.

sameer

Daawada laga soo saaro maqaarka dameerka waxaa loo yaqaanaa “donkey-hide gelatin”, waxayna u egtahay sida sawirka ka muuqdo.

Soomaaliyey yaanan dameerrada nalaga dabar goyn ee aan dunida isha ku hayno, Akhristow maxaa kaaga baxay sheekadaan? Sideene looga ganacsan karaa fursadaan, dameerradane looga ilaalin karnaa dabar go’? Mahadsanid.

Isha Somali Doctor

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE