BBC Sport Oo Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicneyd Premier League Isbuucaan – Chelsea & Tottenham Oo U Badan

Khabiirka kubada cagta Ingariiska ee BBC Sport Garth Crooks ayaa soo xushay 11kii ciyaartoy ee isbuucaan ugu fiicnaa horyaalka Premier League iyadoo kooxaha Tottenham iyo Chelsea ay ku leeyihiin ciyaartoyda ugu badan.

Kooxda Tottenham oo 2-0 ku qaarjisay kooxda hogaamineysa Premier League ee Manchester City ayaa shaxda isbuuca ee BBC waxa ay ku leedahay afar ciyaartoy halka Chelsea oo guul 2-0 iyadana ka gaartay kooxda Hull City ay ku leedahay seddex ciyaaryahan.

Dhanka goolka waxaa isbuucaan ku soo baxay goolhayaha Stoke City Lee Grant kaasoo laf dhuungashay ku noqday Man United shalayto isagoo fursado badan ka badbaadiyay weeraryahanada Red Devils uu ugu horeeyo Zlatan Ibrahimovic isalamarkaana uu dhibic u soo dhiciyay Stoke.

ciyaar

Daafacyada Spurs ee Walker, Vertonghen iyo Alderwierld ayaa ku soo baxay shaxda isbuuca waxaana ugu wacan wacdarihii ay shalayto dhigeen inay Man City u diiday inay goolka soo taabtaan, waxaana ay jeebka ku riteen weeraryahanada kooxda sida Sergio Aguero, Raheem Sterling iyo xitaa David Silva.

Daafaca garabka bidix waxaa ku soo baxay xiddiga Liverpool James Milner kaasoo si wacan u ciyaaray kulankii Swansea islamarkaana dhaliyay rigooradii guusha ee ay Liverpool ku badisay.

Seddex ciyaartoy ee khadka dhexe labo ka mid ah waa xiddigaha Chelsea Willian oo shabaqa ka soo taabtay Hull iyo Kante oo khadka dhexe xureystay kulankaas, waxaana kula wehliya Dimitri Payet kaasoo dhaliyay goolkii ugu fiicnaa isbuucaan kulankii ay West Ham barbaraha 1-1 la gashay Middlesbrough.

Dhanka weerarka waxaa hogaaminaya weeraryahanka Chelsea Diego Costa oo dhaliyay goolkii labaad ee ay kooxdiisa ku badisay, iyo Son oo qeyb libaax leh ka qaatay guushii Tottenham ee Man City, halka weeraryahanka Watford Deeney uu isna shaxda ku soo baxay ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay Watford ay barbaraha 2-2 la gashay Bournemouth.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open