Dagalyahaanada Kooxda Shabaab Oo Ku Dagaalamay Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa kusoo waramaya in saake aroortii ay halkaasi ku dagaalameen dagaalyahaano ka tirsan kooxda Shabaab.

Deegaanka Shaw oo ka tirsan degmada Jalalaqsi ee Golka Hiiraan ayaa waxa ku dagaalamay Maleeshiyaad kala taabacsan horjoogayaal isku maan dhaafay xoolo laga qaaday dadka shacabka ee haklkaasi ku dhaqan.

Horjoogayaasha ayaa ku murmay sida loo qeysanayo xioolaha laga qaaday dadka masaakiinta ee lagu sheegay Zakawaad oo sida caadada ah oo dadka si qasab ah looga qaado, waxaana ismaandhaafkaasi uu sababay in uu dhex maro gacan ka hadal.

Dad ku dhaqan deegaanka Shaw aya ku waramaya in gacan ka hadalka uu dhaliyey khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Maleeshiyada daacada u ka al ahaa horjoogayaasha isku qabsaday xoolaha Masaakiinta.

Inkastoo war rasmi ah aan laga heli karin deegaanka lagu dagaalamaya hadane warar soo baxay ayaa tilmaamaya in dagaalka Shabaabka dhex maray uu ku dhintay Gudoomiyihii deegaanka Halgan ugu magacaawnaa kooxda Shabaab Maxamed Cumar Bucshur..

Dhaqanka Shabaab ay lasoo baxeen oo ah in ay ku murmaan ka dibna ay ku dagaaalamaan xoolo laga dhacay dad masaakiin ah ayaa lagu yaqaanay Ciidamada dowlada Fedaraalka hasea ahaatee dhaqankaas waxa la wareegay kooxda Shabaab oo ku heshiisay in dalka aanay ka dhaqan galin dowlad soo celisa nidaamka iyo kala dambeynta.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran