Dhageyso Odayasha Reer Beledweyne “Wax Aan Ku Heshiinay Ma Jirto Wafdiga Xukuumada, Waxaan u Sheegnay …”

Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Hiiraan ayaa beeniyey in ay wax heshiis ah la galeen Wafdi uu hogaaminayo Raysawsaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte Qaalib oo kulamo Bedelweyne kula leh duubabka dhaqanka.

Nabadoon la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga Raysalwasaare ku xigeenka ay ku diideen in ay ku laabtaan Jowhar oo ay ka qeyb galaan dhismaha Maamulka labada Gobol Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Ninkan Nabdoonka ayaa meesha ka saaray in wax is faham ah uu dhex maray wafdiga xukuumada Fedaraalka islamarkaana ay soo jeediyeen in dowlada fedaraalka ay qaadato qaladkeeda shirka Jowhar iyo in la hakiyo shirka hada loo fadhiyo.

Waxa uu intaasi ku dartay in wafidaga xukuumada ay ka diideen in Madax waqtigeedii dhamaaday ay dhisi karin wax Maamul ah hase haatee loo baahanyahay shir dib u heshiisiineed oo ay dhex mara Beelaha labada Gobol wada dega oo uu  sheegay in ay dhex martay colaad muddo soo jiitameysay.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE