Dhageyso Xaalado Bina Aadanimo Oo Laga Soo Sheegayo Deegaano Ka Tirsan Maamulka Jubaland

Deegaano ka tirsan Maamulka Jubaland ayaa waxa ka taagan Abaaro baahsan iyo xaalado nolol xumo oo lasoo derestay dadka ku nool deegaanadaasi.

Deegaanada ay xaalada abaareed ka taagantahay ayaa isugu jira kuwo dhawaan lagala wareegay Shabaab iyo kuwo welin gacanta ugu jira islamarkaana aan la gaarsiin karin gargaar si shacabka loo gacan qabto.

Afahayeenka laamaha amaanka ee Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in deeganada ku yaala Gobolka jubada hoose dadka ku dhaqan ay haaysato xaalado adag, wuxuu baaq dheer u direy dadka ganacsatada ah iyo Maamulka in ay wax ka qabtaan xaalada adag ee ka jirta jubada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open