Dowlada Itoobiya Oo Ku Dhawaaqay Seddax Maalmood Oo Baroordiiq Ah

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday seddax maalmood oo baroor-diiq qaran ah ka dib markii 52 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday goob lagu cibaadeysanayay oo ku taalla gobolka Oromiya, Waxaa soo baxaya warar is khilaafsan oo ka hadlaya waxa sababay dhimashada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn ayaa eedda, dadkii ku dhintay isbuurashada ka dhacday gobolka Oromiya, dusha kaga tuuray dad ‘Nabad diid’ ah.

Mucaaradka ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof halkaasi lagu dilay markii booliska uu kala ceyriyay dadkii mudaharaadka dhigayay.

Inta badan dadka dhintayna waxay ku dheceen godad halkaasi ku yaalla, xilli ay isku dayayeen inay goobta ka baxsadaan.

Xogagga ammaanka waxay sheegeen inay ka jawaab celinayeen dibed-baxayaal tuurayay dhagxaan, Mucaraadku wuxuu sheegay in booliisku ay xoog u adeegsadeen mudaaharadayaal nabdoon

Ra’iisul Wasaare, Hailemariam Desalegn, ayaa khudbad uu taleefishinka qaranka Itoobiya ka jeediyay wuxuu ku amaanay ciidammada ammaanka.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmahooda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open