Dowlada Turkiga Oo Xabsiga Dhigtay Nin La Dhashay Wadaadka Fethullah Gulen

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee wadanka Turkiga ayaa xabsiga dhigay nin ay wada dhasheen hogaamiyaha Fethullah Gulen oo lagu eedeeyo inuu ka danbeeyey inqilaabkii dhicisoobay ee 15kii July.

Ninkan oo lagu magacaabo Kutbettin Gülen ayaa laga soo qabtay magaalada xeebta ku taal ee Izmir, waana mid kamid ah sadex nin oo la dhashay Fethullah Gulen oo isagu ku sugan wadanka Maraykanka.

Tan iyo wixii ka danbeeyey afgembigii fashilmay ee 15-kii Luulyo ayey dowlada Turkiga bilowday inay xabsiga dhigto kumanaan taageerayaasha wadaadkan ku nool dalka Maraykanka, waxaana sidoo kale shaqada laga fariisiyey kumanaan kun oo kamid ah shaqaalaha dowlada oo ay ku jiraan Saraakiisha ciidamada, Qareeno, Garsoorayaal iyo Shaqaalaha Wasaaradaha kala duwan ee dalkaasi.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran