Faafaahin Laga Helaayo Duqeymo Diyaaradeed Oo Lagu Qaaday Duleedka Xerada Laantabuuro Ee Gobolka Hoose

Warar kala duwan ayaa laga helayaa duqeymo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay meel duleedka Bari ka xiga Xerada Laanta ee ku taala Gobolka Shabeelasa hoose.

Duqeymaha ayaa wararka aan helayno dhacay gelinkii hore ee Shalay waxaana lagu qaaday saldhig Ciidan oo ay ku dhuumaaleystaan Maleeshiyada Shabaab.

Saldhiga Ciidan ayaa lagu magacaabaa God-kabasha, waxaana Waqooyi bari uu kaga aadanyaha Ceelka Arbacow ee duleedka Lafoole halkaas oo lagu sheegay saldhig ay uga duulaan Shabaabka Wadad isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo xarumo Amisom oo ku yaala duleedka Muqdisho.

Sida ay tilmaameyso Warbixinta diyaarado dagaal oo aan weli la helin wadanka laga lahaa ayaa dhowr Gantaal ku dhuftay saldhiga halka Ciidan dhulka ah ay markii dambe cagta mariyeen Maleeshiyada ka badbaaday duqeymaha Cirka.

Warbixin saacadihii hore ee maanta soo baxday ayaa ku xog warameysa in gaadiid ay leeyihiin Shabaab oo ka baxay Awdheegle ay saldhigaasi gaareen si ay usoo badbaadiyaan dhaawacyada howdka ku jira ayna u qarsadaan Meydadka goobta ka taala.

Goob joogayaal kala duwan ayaa Markacadey.com u xaqiijiyey in uu kahsaare kala duwan uu soo gaaray Maleeshiyada u daacada ah Shabaab, ku dhawaad 30 dhimasha ah iyo dhaawac kor u dhaafaya 50, ayaa lasoo wariyey in ay goobta ku waxyeeloobeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran