Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Baydhaba

Madaxweynaha dowlada fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu gaaro magaalada Bayahdba oo xarun ku meel gaar u ah maamulka Koonfurgalbeed.

Safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay in ay ku wehliyaan Wasiiro, xildhibano iyo kooxo xulafadiisa ka mid ah oo ka gacan siinaya sidii markale uu dib ugu lasoo laaban lahaa kursiga Madaxtinimada dalka.

Magaalada Baydhaba ayaa la sheegay in ay ka jiraan diyaar garow iyo soo dhaweyn loo sameenayo Madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ee maanta socdaalka ku tagay Magaalada xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Koonfurgalbeed.

Lama oga ujeedada ka dambeysa safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Baydhabo hase ahaatee waxa jira warar hoos eoo sheegaya in ololahiisa doorasho uu ka bilaabayo Baydhaba.

Maamlmo ka hor magaalada Baydhab waxa gaaray Musharax Madaxweyne oo ay dhici karto in loolan siyaasadeed oo adg uu kala hortago Xasan Sheekh oo dadaal ugu jira in doorashada aan looga adkaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open