Qaraxyo Maanta Gilgilay Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxa maanta ka dhacay Qaraxyo ay wax kasoo gaareen Ciidamao ka tirsan kuwo Maamulka Koonfurgalbeed.

Qraxyada oo sida la sheegay ahaa Miinooyin ayaa lagu aasay goobo ay fadhiistaan Ciidamada Maamulka, waxaana inta la ogyahay ku geeriyootay ilaa labada askari halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Taliyaha Ciidamda Maamulka Degmada Diinsoor ayaa xaqiijiyey dhimashada askartan iyo dhaawaca askar kale oo uu shegay in xaaladooda lagu dabeenayo goobaha Caafimaad ee ku yaala degmada.

Degmada Diinsoor oo in muda ah ay maamulayeen dagaalyahaanada kooxda Shabaab ayaa sanadii aynu soo dhaafnay waxa la wareegay Ciidamada Amisom ee ka socda Itoobiya iyo kuwa maamulka koonfurgalbeed, waxaana weli aan lagu guuleysan in la xaqiijiyo amaankeeda.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open