Shacabka Dalka Colombia Oo Ka Horymid Heshiis Dhexmaray Dowlada Iyo Jamhada Mucaaradka Ah Ee FARC

Dadka reer Colombia ayaa diiday heshiiskii nabadeed ee dhowaan ay wada galeen dowladda iyo Fallaagada FARC, kadib afti dadweyne oo lo56o qaaday.

Dad ka badan 13 milyan oo ruux codkooda ka dhiibtay aftida loo qaaday heshiiska ayaa si lama filaan ah ay ku diidey heshiiskaas oo loo arkayay mid taariikhi ah, isla markaana uu qeyb ka qaadanayo soo afjarida colaadii dalkaas muddo ka jirtay.

Jamhada FARC oo ah mida ugu fac weyn Caalamka iyo dowlada Colombia ayaa dagaalkoodu socday muddo 52 sano ah, waxaana heshiiskooda kasoo shaqeeyey dowlada Cuba oo dhex dhexaadineysay labada dhinac.

Wadahadalka labada dhinac ayaa soo socday muddo 4 sano ah iyagoo dhaqan geliyey xabad joojin, waxayna ugu danbeyn wada saxiixdeen heshiiskan Jamhada FARC hubka ku dhigeyso iyadoo cafis loo fidinayo dhamaan maleeshiyaadka kooxdaasi ka tirsanaa.

Dadka kasoo horjeeda heshiiska ayaa diidmadooda ay tahay in aan la cafin maleeshiyaadka FARC oo danbiyo badan ka galay shacabka, waxayna ku tilmaameen heshiiska mid aan cadaalad u keenayn dadkii loo geystay dilka, dhaca iyo kufsiga.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Alvaro Uribe ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday heshiiskan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE