Wararkii Ugu Dambeyey Dhimashada Dalka Itoobiya Iyo Raysalwasaaraha Dalkaasi Oo Beeniyey In Ciidamadu Ay Dil Geysteen

Tiro dad ah ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, ka dib markii Ciidamo ay kala eryeen dad mudaharaad ka dhigayay goob lagu cibaadeysanayay, waxayna Dowladda Itoobiya qirtay in dad ay ku dhinteen rabshad ka dhacday magaalada Bishoftu ee gobolka Oromiya.

Weriyayaal ayaa arkay meydad badan oo lagu daadiyay meel god ah, waxaana ilo wareedyo mucaaradka taabacsan ay sheegeen in dadka dhintay ay gaarayaan 50 qof, Rabshadda ayaa la sheegay in ay bilaabatay ka dib markii ay dad mudaharaad samaynayay ay horjoogsadeen khudbado ay odayaal ka jeedinayeen goob lagu cibaadeysto.

Dhanka kale Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa ka hadlay rabshadaha dadka faraha badan ay ku dhinteen ee dalkiisa ka dhacay, waxaana u sheegay in ku dhawaad 52 qof ay ku dhinteen rabashadaha.

Waxa eeda dadkaasi dhimashadooda uu dusha ka saaray dad doonayey in ay dhigaan dabadbaxyo iyo rabashado qal qal lagu gelinayo siduu hadalka u dhigay xasiloonida dalka,.

Raysalwasaaraha ayaa amaan usoo jeediyey Ciidamada amaanka ee ku sugnaa goobta ay ka dhaceen dibadbaxyada, waxaana meesha uu ka saaray eedeynta ah in Ciidamada ay ay dadka dhintay dileen isagoo sheegay in Ciidamada amaanka aanay ridin wax rasaaas.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open