Wasiirada Arimaha Dibada Ee Kenya Isu Soo Sharaxday Madaxa Midowga Afrika

Dawlada Kenya ayaa gudbisay Magaca Wasiirada Arimaha Dibada Ee Kenya Amina Maxamad Inay u sharaxan tahay Madaxa Midowga Afrika oo ay hadda ku fadhido haweenayda reer Koonfur Afrika ee Layidhaahdo Nkosazana Dlamini-Zuma.

Aamina Maxamad oo safka hore kaga jirta loolanka ayaa ah aqoonyahnad 29kii sandood ee ugu dambaysay kasoo shaqaysay caalamka iyo diblomaasiyada Kenya, horeyna usoo qabatay wakiilka Qaramada Midoobay Ee Geneva.

 Musharaxiiinta kasoo kala jeedo dhawr wadan uu ay ka mid yihiin Mokuy oo kasoo jeeda  Equatorial Guinea, Abdoulaye Bathily  oo kasoo jeeda Senegal iyo  ninka reer Botswana Pelonomi Venson-Moitoi.
Amina Maxamad ayaa noqonaysa  musharaxii ugu horeeyay ee taariikhda oo kasoo jeeda wadamada bariga afrika oo ku tartamaysa hogaanka Midowga Afrika.
Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open