Deg Deg Dagaal Xoogan Oo Goordhow Ka Bilowday Deegaan Duleedka Ka Ah Degmada Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Warar hada kusoo dhacay Warqabadaka Markacadey.com ayaa  ku waramaya in dagaal xoogan uu ka socdo deegaan duleedka ka ah degmada Nambar 50, ee Gobolka Shabeelada hoose.

Dagaalka ayaa sida wararka aan ku heleyno bilowday wax yar ka hor markii la taagnaa waqtigii salaaada Maqrib, waxaana dagaalka uu ku bilowday ka dib markii jid gal ama dhaba gal loo sameeyey Maleeshiyaad wajiyo badan oo adeegsada magaca Shabaab oo ku socdaalayey dhul deex ah oo duleedka Nambar 50.

Wararka hor dhaca ah ee aan heleyno ayaa ku waramaya in Maleeshiyaada Shabaab ah ee halkaasi marayey la weeraray, waxaana jira khasaarooyin kala duwan iyo hub lagala wareegay Maleeshiyada jidka loo galay.

Faafaahinno dheeri ah oo deg deg ah ayaan usoo gudbin doonnaa akhristayaasha Markacadey.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran