Dhageyso Gudoomiye Waafow “Alshabaab Oo Dhuumaaleysanaysa Ciidamadeena Wadooyinka Kama Goyn Karto, Waxay Sameysay Wax Ka Xun Ayaan Ka Shaqeyn Doonnaa”

Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Mudane C/hi Cali Axmed Waafow ayaa faafaahin ka bixiyey dagaalkii Caawa ka dhacay duleedka degmada Nambar 50 ex Raaxle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Waafow ayaa daboolka ka qaaday in Ciidamada deegaanka iyo saaxiibadooda ay weerar ku qaadeen jid ay maraan Maleeshiyada Shabaab oo ay isku gudbistaan sahayda iyo maleeshiyada ay kasoo bedelaan saldhigyada ay ku leeyihiin deexda dhanka bari kaga beegaanka wadada dheer ee Laamiga.

Waxa uu sheegay in Shabaab ay cadaawad u bilaabeen dadka deegaanka  islamarkaana wadooyinka ay ka jareen Ciidamada deegaanka hasea ahaatee aanay sii wadi karin dagaalka ay kula jiraan Ciidamada deegaanka.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open