Dowlada Itoobiya Oo Taliye Cusub Usoo Magacaawday Ciidankeeda Ka Jooga Soomaaliya (Sawiro)

Dowlada Itoobiya ayaa bedeshay sarkaalkii hogaaminayey Ciidamadeeda ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Ciidamada ee Xalane ayaa waxa ka qeybagaleen Saraakiisha Ciidamada Amisom oo ugu horeeyo Taliyaha Amisom GenaraalCismaan Nuur Subagle iyo xubno kale.

Hogaanka cusub ee bedelaya hogaankii hore ee lagu magacaabi jirey Major General Mohammedesha Zeyinu , ayaa hogaaminayey Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka loogu magac daray Amisom.

Taliyaha Cusub ee shaqada la wareegaya ayaa lagu magacabaa Maj. Gen. Abreha Tesfay, waxaana looga fadhiyaa inuu sii wada shaqadii Taliyaha booskiisa lagu bedalay.

capture-1

tasfaye_1 tasfaye_2 tasfaye_3 tasfaye_4 tasfaye_5

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE