Ergada Kasoo Jeeda Buulaburde Oo Isaga Baxay Shirka Maamul U Sameynta Hiiraan Iyo Shabeelada Dhexe

Ergada ka qeyb galeysa Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ee kasoo jeeda Magaalada Buuloburde ayaa isaga baxay shirka ka socda magaalada Jowhar.

Xubnahan isaga baxay shirka ayaa ka carooday tallaabada maanta ay qaadey Ergada Shirka oo magaalada Jowhar u ansixiyey in ay noqoto magaala Madaxda Maamulka dhismihiisa loo fadhiyo Shabeelada dhexe.

Egadana ayaa sheegtay in horey Madaxweyne Xasan Sheekh uu usoo saaray wareegto uu ku magacaabayo magaalada Madaxda Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, waxaana wareegtada Xasan Sheekh magaalada Madaxda loogu asteeyey Magaalada Buulaburde.

Sidoo kale Ergada oo ilaa shalay ka doodeysay dastuurka Maamulkaas iyo waliba magaca ayaa ugu dambeyn waxaa Cod aqlabiyad ah ku ansaxiyeen Magaca Maamulkaas loo bixinaayo Hir-Shabeelle, oo ay ansixiyay Ergo gaareysa ilaa 250,oo ah kuwa ka qeyb galaya shirka.

Dhan kale saacadaha soo socda ayaa lagu wada in iyana lagu dhawaaqo Astaanta uu noqon doona ama uu ka koobnaan doono Calanka Maaamulkasi ee Hir-Shabeelle.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran