Ergada Ku Shirsan Magaalada Jowhara Oo Maanta Go’aan Ka Gaaray Magaalada Madaxda Maamulka Labada Hiiraan Iyo Shabeelada Dhexe

Ergada ku shirsan magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada dhexe ayaa maanata go’aan ka gaaray halka ay noqoneyso magaalada Madaxda Maamul Goboleedka ay yeelanayaan Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Ergada waxay ka doodayeen dastuur ay soo gudbiyeen gudiga Farsamada, waxaana Qodobka 4aad ee ¬†cutubka 1aad ee dastuurka qabyada ah ku xusan, in Ergada ay go’aan ka gaaraan halka ay noqoneyso Magaalada Madaxda Maamulka.

Ergada ayaa u codeysay in magaalada Madaxda ay noqoto Magaalada Jowhar oo hada uu ka socda Shirka labada Gobol maamulka loogu sameenayo.

Waxa horey u jirtay wareegto kasoo baxday Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Xasan Sheekh oo Magaala Madaxda Maamulka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ku qorey in ay noqoto magaalada Buuloburde, halka gogosha shirka la dhigay magaalada Jowhar.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa u dhacayey in Madaxweynaha Maamulka la siiyo Beelaha dega Shabeelada dhexe halka Caasimada Maamul Goboleedka ay qaataan reer Hiiraan, sida ku cad awood qeybsiga dastuurka u degsan labada Gobol.

Odayaasha dhaqanka reer hiiraan oo markii hore ka gadoodsanaa sida uu ku socdo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaan weli wax war ah kasoo bixin, waxaana tani ay noqon doontaa mid dab iyo Baansiin kusii shubta tabashooyinkii ay qabeen reer Hiiraan oo markan laga wareejiyey Caasimada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open