Khabiirka Kubbada Cagta Sky Sports Ee Charlie Nicholas Oo Saadaaliyay Afarta Kooxood Ee Kaalmaha Afraad Kaga Dhamaysan Doonta Premier Leaque-ga

Khabiirka kubbada cagta Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa intii aanu xili ciyaareedka 2016/17 bilaamin sii daayay saadaalin uu kaga hadlay qaabka ay kooxaha Premier Leaque-gu u kala sarayn doonaan, wuxuuna markaas si gaar ah u soo qaatay kooxda uu u arko in ay koobka Premier Leaque-ga ku guulaysan doonto iyo kooxaha kaalmaha afraad ku dhamaysan doona.

Laakiin markii todoba kulan la ciyaaray Charlie Nicholas ayaa qaab ciyaareedka kooxaha waa wayn wax kala soo dhex baxay wuxuuna badalay qaabkii uu markii hore u habeeyay kaalimaha sare ee Premier Leaqueg-a. Charlie Nicholas ayaan waxba ka badalin kooxda uu aaminsan yahay in ay koobka Premier Leaque-ga ku guulaysanayso wuxuuna markale ku celiyay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ay koobka hanan doonto.

Sidoo kale Charlie Nicholas ayaan waxba ka badalin kaalintii uu ka hor bilawgii xili ciyaareedka u saadaaliyay kooxda Arsenal wuxuuna sheegay in marka qaab ciyaareedka hadda ee Gunners lagu xisaabtamo in ay kaalinta labaad ku dhamaysan doonaan.

38fcd23700000578-3817162-image-a-57_1475326090373

Laakiin khabiirka kubbada cagta Sky Sports ee Charlie Nicholas ayaa Manchester United ka saaray kaalintii uu u saadaaliyay ka hor intii aanu xili ciyaareedku bilaamin wuxuuna markii hore u saadaaliyay in ay kaalinta saddexaad ku dhamaysan doonaan balse markan waxa uu kaalinta saddexaad siiyay Liverpool oo uu sheegay in aanu filayn in ay xili ciyaareedkan koobka ku guulaysan karaan isaga oo sababta ku sheegay difaacooda aan fiicnayn.

Charlie Nicholas ayaa kaalinta afraad u sadaaliyay kooxda Tottenham halka Manchester United u riday kaalinta shanaad kadib markii ay kooxda Mourinho soo badhigtay qaab ciyaareed aan laysku halayn karin. Waxa uu sheegay in Mourinho uu lacag badan ku bixiyay suuqa sida Paul Poba balse uu wali isku dayayo in uu kooxda la qabsado.

3906531700000578-0-image-a-2_1475429488737

Ugu danbayn Charlie Nicholas ayaa kooxaha Chelsea iyo Leicester City u saadaaliyay in ay ku dhamaysan doonaan inta u dhaxaysa kaalinta lixaad ilaa 10 aad wuxuuna sheegay in ay aad uga qaab ciyaareed liitaan kooxaha kale ee uu kaalmaha hore u saadaaliyay. Halkan ka bogo kaalmaha afarta ah ee saadaashii hore ee Charlie Nicholas iyo sadaashiisa hadda.

Saadaashii Hore Ee Charlie  Saadaasha Cusub Ee Charlie
1. Man City 1. Man City
2. Arsenal 2. Arsenal
3. Man Utd 3. Liverpool
4.Liverpool 4. Tottenham

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran