Kooxo Hubeysan Askar Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bistoolado ayaa askar ka tirsan Ciidamada dowlada ku toogtay degmada Hurwaa ee Gobolka Banaadir.

Wararka laga helaayo Ex koontarool ee degmada Hurwaa ayaa ku waramaya in kooxaha hubeysan ay rasaas la dhaceen laba askari oo ka tirsan ka tirsanaa kuwa dowlada, waxaana dad goob joog ah ay sheegeen in dilka ka dib dableyda hubeysan ay goobta isaga baxsadeen.

Goob joogayaasha ayaa intaa hadalkooda ku daray in Meydadka askarta in muda ah halkaasi ay yiileen, muddo ka dibna ay goobta soo buux dhaafiyeen Ciidamo badan oo ay ka tirsanaayeen askarta la toogtay.

Ciidamada dowlada ee halkaasi gaaray ayaa howlgal ya sameeyeen kusoo qab qabtay dhalainyaro ay tuhmayaan in ay ku lug leeyihiin falka lagu dilay askarta.

Inta badan markii ay dhacaan dilal loo geysto Ciidamada dowlada, ayaa waxa jira howlagallo lagu soo qab qabto askar aan shaqa ku laheyn dilalka iyo falalka amni daro hasea haatee dhibane u noqdo cadaalad dari iyo feejignaan la’aanta laamaha amniga.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open