Saraakiisha Amisom Oo Maanta Kulan Xasaasi Ah Ku Yeeshay Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Saraakiisha Ciidamad Amisom ayaa maanta kulun xaasi waxa ay ku yeesheen Taliskooda ugu weyn ee ku yaala magaalada ee Xalane.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen inta badan saraakiisha hogaamineysa howlgalada Ciidamada iyo kuwa sida gaar ah ugu xil saaraan shaqooyinka amniga ayaa ka wada hadlay sugidda amniga, maadaama lagu guda jiro waqti xasaasi ah.

Saraakiisha ayaa sidoo kale kulankooda xooga ku saaray sidii ay u hanan lahaayeen amniga goobaha lagu qabanayo doorashooyinka ka dhici doona dalka daba yaaqada sanadkan.

Inta kulanka uu socday ayaa waxa jirey sida laga soo xigtay Madaxda talooyin iyo awaamiir la saiisyey taliyaasha maamula goobaha ay dhici karaan in si gaar ah ya u bartimameedsadaan dagaalyahaanada kooxda Shabaab.

Dagaaladyahaanada Kooxda Shabaab ayaa marar badan ku hanjabay in weeraro ay ka geysanayaan Magalooyinka iyop goobaha kale ee lagu wado in lagu qabto doorashooyinka dalka ka dhacaya.

 

lane_4lane_2 lane_5

lane_1 lane_3

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran