Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalkii Gabaldhicii Caawa Ka Dhacay Duleedka Deegaanka Nambar 50 Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Gabal dhicii caawa dagaal ku bilowday jidgal ka dibna isku bedelay mid toos ayaa ka dhacay meel degmada Nambar 50 kaga beegan Waqooyi bari halkaas oo ay isku fara saareen Ciidamada deegaanka iyo Maleeshiyada Sharwadayaasha ah ee Shabaab.

Xog ay heleen Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa sababtay in jid ay isticmaalaan Maleeshiyada loo galo, waxaana halkaas lagu helay gaari noociisa uu ahaa Leyla-calaawi, gaariga ayaa inta la xaqiijiyey waxa saarnaa ilaa 16, Maleeshiya ah, oo 15 ka mid ah ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudfud ee AK47, iyo hal qori PKM ah.

Gaariga ayaa sahay u siday Maleeshiyaad ku dhuumaaleysta duleedka deegaanka Lafoole, waxaana gaariga uu siday Raashiin iyo Shidaal loogu talagalay Maleeshiyada duleedka deegaanka Lafoole.

Goobta uu ka dhacay Dagaalka ayaa lagu magacaabaa Baldooska Ama Jid Ameerikaan, waana wado isku xirta Deexda Lafoole ilaa Deexda Dhanaane, waxa isticmalaa kaliya gaadiidka Maleeshiyada shaararka badan ee Shabaab.

Sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada deegaanka dagaalkii Caawa waxa ay ku qabsadeen 14 qori oo nooca ak47, waxa goobta ka baxsaday 2 qori oo mid ka mid ah uu ahaa PKM, gaariga ay saarnaayeen Maleeshiyada iyo sahayda ayaa markii dambe la gubay.

Inta la xaqiijiyey ilaa 15 Shabaab ka tirsanaa ayaa la dul istaagay Meydadkooda oo 14 ka mid ah qoryaha laga qaatay iyo dawalkii waday Gaariga la weeraray.

Waxa jirey gurmad ay heleen Maleeshiyada Shabaab si ay u difaacaan maleeshiyada jidka loo galay, hasea ahaatee Ciidamada deegaanka ee weerarka qorsaheysan qaaday ayaa si geesinimo leh isaga difaacay gurmadka Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saacadaha soo aadan ay faahfaahin buuxda ka bixin doonaan howlgalka galabta lagu qaaday mid ka mid ah Saldhigyada Maleeshiyada Sharwadayaasha ah ee Shabaab.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open